Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Siyaasiyiin Mucaaradsan Laftagaren oo shir xasaasi ah ku yeeshay Nairobi (War Murtiyeed)

Shir saddex cisho socday ayaa magaalada Nairobi ku soo dhamaaday kaasoo looga tashanayey aayaha iyo mustaqbalka Maamulka Koonfur galbeed Somalia.

Shirka ayaa ahaa mid xasaasi ah oo looga arrinsanayo arrimaha ay kamidka yihiin, doorashada Madaxweynaha ee Janaayo 2024-ta, qaladaad uu ku kacay maamulka Laftgareen iyo la dagaalanka Al-shabaab

Waxaa Shirka Isugu tagay Gudoomiyaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane  Sharif Hassan Sheikh Aden Issak, Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, Mudane Maxamed Mursal, iyo Siyaasiyiin Xilal kala duwan ka soo qabtay Dalka oo caanka ah Koonfur Galbeed.

Waxaa ugu dambeyn shirka laga soo saaray War murtiyeed afar bog ka kooban oo looga hadlay xaaladaha ka jira Koonfur, galbeed , Doorashooyinka, qaladaad uu ku kacay Maamulka Laftagareen oo ay tahay in la saxo, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimo kale.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA OO DHAMEYSTIRAN

 

Related posts

Labo Maamul oo ka maqan shirarka looga arinsanayo Doorashada iyo DF oo ka hadashay

Cabdi Cade

Taliska Booliska Somalia oo War ka soo saaray caruur Meydkooda laga helay Baydhabo

Caydiid Ali

Xukunno adag oo lagu riday dhallinyaro ku tacadiyay qoys kunool Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---