Allbanaadir.com
NEWS

Milateriga qabsaday Niger oo xiray diblomaasi Faransiis ah & xiisad ka dhalatay

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa sheegtay in mid ka mid ah saraakiisheeda lagu xiray Niger oo ay militarigu maamulaan.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayey ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo muwaadinkaas faransiiska ah oo xarigiisa ay ku sifeysay mid sharci daro ah

Wasaaraddu waxay ku sheegtay barteeda Twitter, in Stephane Jullien, lataliyaha muwaadiniinta Faransiiska ee dibadda la xiray Jimcihii la soo dhaafay, waxayna ku baaqday si degdeg ah i loo fasaxo.

Hase ahaatee militariga Niger ayaan ka hadlin xariga sarkaalkan Faransiiska ah, iyadoo arrintan ay ku soo beegantay xili labada dhinac ii xiriirkooda sii xumaanayo.

Saraakiisha militariga Niger ayaa bishii July xilka ka xayuubiyay madaxweynihii la doortay Mohamed Bazoum, kadibna waxay ku amreen saraakiisha Faransiiska inay dalka isaga baxaan, amarkaas oo Faransiisku diiday inuu dhegeysto, isagoo sheegay in taliska Niger uusan ahayn awoodda sharciga ah ee dalkaas.

Related posts

Faahfaahin: Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo dil & dhaawac loo geystay

Caydiid Ali

Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay magaalada Baladweyn iyo Howlgalo socda

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kusaoo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---