Allbanaadir.com
NEWS

Maxay tahay sababta Max’ed Deeqow C/risaaq loola xiray Gen. Sheegow?

Maxamed Deeqow Crisaaq waxaa lala xiray Gen. Axmed Cali Sheegow taariikhdu marka ay ahayd August 19, 2023, waxaana lagu hayaa xabsiga dhexe, isaga oo halkaas ku sugaya in maxkamad cadaaladda la horgeeyo.

Maxamed wuxuu ka qaxay Soomaaliya isagoo 15 jira, wuxuuna qaxooti ahaan u galay dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku soo qaatay waxbarashada heerarkeeda kala duwan, isaga oo ah aabe caruur iyo qoys leh oo ka mida madaxda jaaliyadda Soomaaalida.

Waxaan isnaqaana Maxamed mudo ka badan 20 sano oo aan deris wada dega ahayn magaalada Lewiston ee gobolka Maine ee dalka Mareykanka, wuxuuna ahaa aabbe aqoonyahana oo u samafali jirey dadka Soomaaliyeed, wax dembiyana aan dalkaas ka gelin.

Wuxuu Maxamed markasta ahaa hamigiisa ugu weyn inuu dalka Soomaaliya dib ugu soo noqdo oo aqoontiisa uu uga faa’ideeyo shacabka Soomaaliyeed oo dhibaatooyinka faraha badan ay ku haystan dalka gudihiisa, isagoo naftiisa u huraya halista amnidaro ee uu kala kulmayo dalkiisa.

Bisha May 2023, ayuu fursad u helay inuu Soo raaco Gen. Sheegow oo xiligaas dalka dib ugu soo noqonayey, wuxuuna Maxamed u arkayey in Gen. Sheegow oo ay qaraabo dhow ahaayeen inuu la xiriirsiin karo Madaxda dowladda.

Maxamed marka uu ka soo degey garoonka Aden Cade ayaa wuxuu soo maray baaris si buuxda loogu hubiyey inuusan dalka la soo gelin waxyaabo sharcidaro ah, sidaas daradeedna loogu ogolaaday muwaadin ahaan inuu dalkiisa dib u soo galo.

Maxamed ayaa la kulmay caqabado u suurtogelin waayey inuu la kulmo madaxda dalka, waxaana taas sabab u ahayd dalka oo galay dagaal xoogan iyo madaxda dalka hogaamineysey oo xaruumo ka dhigtay furimaha dagaalka, xaafiisyadoodiina ay shaqadooda densen yihiin.

Kadib marka uu xaqiiqsaday iney faaruq wada yihiin inta badan xaafiisyadii dowladda oo aysan jirin shaqooyin ka socda, islamarkaasna ay u muuqatay ineysan suurogal ahayn wax ka qabashada danaha uu dalka u yimid, ayuu go’aansaday inuu dib isaga noqdo.

Laba bilood markii ay ka soo wareegtey joogitaankiisa Muqdisho oo ay hadafyadiisa waxba uga fuli waayeen ayuu go’aansaday inuu dalka Mareykanka oo uu degen yahay inuu dib ugu noqdo, wuxuuna goostay tikidkiisa uu ku bixi lahaa, isagoona si diyaarsan u xirxirtay boorsooyinkiisa.

Nasiibdaro Maxamed magaalada Muqdisho cid kale kama uusan aqoon, wuxuuna la degenaa Gen. Sheegow oo gurigiisa dagaal lama filaana uu ka qarxay, mana uusan garanayn meel kale oo uu gabaad ka dhigto, wax kasta ee uu haystana ay u yaaleen guriga jananka.

Maxamed wuxuu ahaa rayid aan u tababarnayn dagaal hubeysan, wuxuuna cabsi xoogan ka qaaday dagaalkii ku qabsaday guriga Gen. Sheegow, waxaana halkaas ka soo gaarey dhaawac fudud kadib markii dhagax faniina uu madaxa uga dhacay.

Meesha uu ku gambanayey oo uu gabaad ahaanta ugu dhuuntay ayaa xabad xoogbadan ay ku soo dumisey dhismihii uu ku hoos jirey, waxaana u suurtogashay inuu ka badbaado xabadahii ay isdhaafsanayeen labada dhinac.

Dagaalka ka dhacay guriga Gen. Sheegow ayaa Maxamed wuxuu ku waayey dhamaan wixii hantiya ee uu halkaas ku lahaa, haddii ay ahaan lahayeen dokumenti, agab, dhar, iyo wixii lacaga oo uu watey, waxaana sidaas loogu geystey dhac aan lagu badbaadin hantidiisa.

Maxamed iyo dad kale oo isugu jira rayid aan qeyb ka ahayn dagaalka ayaa lala soo xiray Gen. Sheegow iyo ciidankiisa, iyagoo guud ahaan lagu wada eedeynayo iney qeyb ka ahayeen dagaaalka ka dhacay guriga jananka.

Ciidanka dembibaarista booliska ayaa xaqiiqsaday in Maxamed uusan qeyb ka ahayn dagaalka hubeysan, balse ay u maleynayaan inuu ahaa maskaxda ka dambeysa lacag falso ahayd oo loogu tegey guriga Gen. Sheegow oo uu wax ka degenaa.

Ciidanka ayaa rumeysan in Maxamed uu yahay qofka keliya ee aqoonta durugsan lagu tuhmayo, haddana ah muwaadin Mareykana oo marka la isku geeyo labadaas ay suurtogal tahay in lagu tuhmo in lacag dhiqida uu masuul ka yahay.

Wuxuuna maxamed ku jira xabsiga mudo ku dhow bil, isagoon wax fal dembiyeeda aan cadeyn loogu hayn, balse loogu baadi goobayo cid eedeymihiisa ku marqaati furta oo aan ilaa iyo hadda lahayn, waxaana sidoo kale loo badinayaa inaan lahayn cadeymo lagu horgeeyo maxkamad.

Waxaan la wadaagayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka in Maxamed uu si xaqdaro ah u xiran yahay, wax shaqo ahna uusan ku lahayn dagaalkii ka dhacay guriga Gen. Sheegow oo uu ka ahaa qof rayida oo marti ahaan ugu noola gurigaas shaqaaqadu ka dhacday.

Waxaan ku soo booqday xabsiga, wuxuuna ii sheegay inuu caafimaadqabo oo aysan jirin wax dhibaato ah oo loogeystey marka laga reebo xoriyadiisa laga qaday, iyo ineysan jirin cid la joogta oo xaaladiisa ka warqabta, iyo inuu xukun la’aanta xabsiga ugu jiro mudo aad u dheer.

Waxaan ka codsaneynaa madaxda dowladda Soomaaliya iney Maxamed si dhaqso leh u horkeento maxkamad rayida oo qaada dacwadiisa, lagana joojiyo in gal dacwadeedkiisa la hor geeyo maxkamadda ciidanka oo aan ku saxsanayn iney qaado dacwadiisa.

Waxaan u qabanay Maxamed qareen soo baara waxyaabaha lagu haysto, islamarkaasna maxkamadda horteeda sharciga uga difaaca eedeeymaha loo haysto oo tuhunka ugu weyn uu yahay lacag dhiqida, iyo in meesha laga saaro goodiska ay ciidankii soo xiray ugu dhawaaqayeen Col. Shuute iney horgeynayaan, iyo toogashada Maxkamadda Badbaadada.

Waxaan rajeyneynaa in Maxamed uu helo cadaalad loo wada siman yahay oo uu ku helo xaqsoor dib ugu soo celiya  xoriyadiisa, islamarkaasna u suurtogelisa inuu caruurtiisa iyo qoyskiisa uu si nabada ugula midoobo la noolaaashahooda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud 
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Shiikh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Nairobi

Caydiid Ali

Guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee eedeynta Somalia u jeedisay Kenya oo Warbixin soo saaray

Caydiid Ali

Qadar oo Saraakiil iyo Ciidamo cusub u tababartay Soomaaliya iyo Ujeedada laga …

Cabdi Cade