Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo kasoo jeeda Beesha Murusade oo diyaarado looga qaaday Muqdisho (Sawirro)

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga qaaday ciidamo badan oo kasoo jeeda beesha Murusade, gaar ahaan jufada Habar Idinle ee degta degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Ciidankan ka baxay Muqdisho ayaa loo qaaday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxa ayna ciidankan ku biirayaan ciidamo kale oo horey ugu sugnaa degmadaasi loona diyaariyay in howlgalka ka qeyb qaataan.

Xildhibaan Xuseen Qaasim Iidow oo katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa ciidankan goordhaw baxay hoggaaminaya, waxaana ciidankan garoonka kasii sagootiyay Senator Dhagdheer iyo masuuliyiin kale.

Ciidamada dadka deegaanka ee kasoo jeeda beesha Murusade ayaa ku kala sugan degmooyinka Maxaas iyo Guriceel, waxa ayna ciidankan dowladda ku wehlinayaan howlgalo lagu xureynayo degmooyinka Galhareeri, Ceelbuur iyo deegaannada hoostaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dacwad ka dhan ah Jawaari oo loo gudbinayo Hay’adaha Garsoorka dalka

Cabdi Cade

Mahad Salaad: “Wasaarada A/Gudaha xaq uma laha faragelinta doorashada Jubbaland”

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Nabad sugida oo gaaray Deegaan lagu arkay xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade