Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad Rakaab ay la socdeen 165-qof oo shil gashay iyo Duuliyihii oo xeylad adeegsaday

Diyaarad rakaab oo nooceedu ahaa Airbus A320 ayaa saakayto degitaan deg deg ah samaysay, xilli ay ku jirtay duullimaad gudaha ee dalka Raashiya, waxaana xaalad adag lasoo daristay rakaabkii diyaarada saarnaa.

Diyaaraddaasi oo tirsiga duullimaadkeeda ahaa U6-1383 waxay Cilladu qabsatay, xilli ay isaga kala gooshaysay magaalladda loo dalxiis tago ee Sochi iyo magaalladda kale ee Omsk ee dalka Ruushka.

Shirkadda Diyaaradaha ee Ural Airlines ayaa sheegtay inay wada badbaadeen 165-kii qof ee saarnaa Diyaaradaasi, kadib, markii uu duulliyaha ku dejiyey diyaaradda dhul beereed ku yaalla meel ku dhow tuullada Kamenka ee  Gobalka Novosibirsk Oblast .

Duuliyaha diyaarada ayaa la sheegay in uu sabab u noqday badbaadada rakaabkii diyaarada saarnaa, waxa uuna si cajiib ah diyaarada ugu dejiyay dhul beereed si bur bur uga dhalay diyaarada.

Hay’adda Federalka Raashiya ee gaadiidka hawada (The Federal Agency for Air Transport) waxay sheegtay inay diyaaradaasi la socdeen 159 qof oo Rayid ah iyo 6 qof oo Shaqaalaha Diyaarada ah, kuwaasi oo dhamaantooda ka badbaaday Shilkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada Puntland oo magacowday guddi ka kooban 10 xubnood (Magacyada)

Caydiid Ali

(Akhriso) Mucaaradka Puntland oo Deni ku eedeeyey inuu wado abaabul dagaal

Caydiid Ali

Maraykanka & Turkiga oo heshiis ka gaaraya arrin ay muddo dheer isku khilaafsanayeen

Caydiid Ali