Allbanaadir.com
NEWS

Alberto Vecchi oo Socod lagu geeyay xarunta Kaasa Italia iyo Darjiinka Arbaca Rukun (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamhuuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi,

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardar-galinta mashaariicda ay dowladda Talyaaniga uga qeyb qaadaneyso horumarinta Caasimadda, gaar ahaan dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Duqa Muqdisho  iyo Safiirka Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi ayaa kormeer socod ah ku tagay dhismaha taalada darjiinka arbaca Rukun iyo xarunta Kaasa Itaaliya ee degmada Xamar Weyne oo dhawaan ay soo codsatay Safaarada Dowladda Talyaaniga oo milkiyada dhulkaasi iyagu lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo arrimo Muhiim ah kala hadlay dhigiisa Wang Yi

Caydiid Ali

Madaxweyne Muuse Biixi oo Wadahadal la yeeshay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Jabhada gacan Libaax oo ku kacday fal kale oo ka careysiiyey Maamulka Muuse Biixi

Caydiid Ali