Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo gaadiid ku wareejisay labo dowlad Goboleed (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda FS ayaa gawaari loogu talagalay baahinta adeegga talaalka ku wareejiyey wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada Jubaland iyo Koofur Galbeed.

Gawaaridan oo loogu talagalay in adeegga talaalka lagu gaarsiiyo tuulooyinka iyo magaalooyinka kala fog fog ayaa qeyb ka ah dadaalada wasaaradda caafimaadka  ay ku xoojineyso sara u qaadista tayada Caafimaadka dalka guud ahaan iyo tan heer maamul goboleedba.

Maxamed Cismaan Xaaji wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Koofur Galbeed iyo agaasimaga guud ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland Xuseen Macalin Cali ayaa kala waraagey Wasiirka wasaaradda caafimaadka  labo gaari nooca loo yaqaano Hartopka oo qeyb ka ah qalabka iyo gaadiidka loogu talagaley horumarinta iyo fududaynta adeegga Caafimaadka Hirshabeelle.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa ka go’an horumarinta caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madax xilal sare ka soo qabtay Somalia oo baaq deg deg ah ka soo saaray xaalada Laascaanood

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamza oo la kulmay wafdi ka socday Qatar charity (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Somaliland: “Xabad joojintii aan xalay shaacinay waxay ka socon weyday dhinaca kale”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---