Maxkamadda sare ee maamul goboleedka Puntland ayaa hakisey xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka PEC, kaa oo dhawwaan golaha wakiiladda maamulka Puntland ay ansixiyeen.
Go’aan ka soo baxday maxkamadda sare ayaa lagu hakiyay xubannimada Faadumo Siciid Axmedoo kamid ah guddiga PEC oo ahayd xubintii la sheegay in Xisbiga Shaqaaluhu soo magacaabeen, waxaana xubintan dacwad ka dhan ah gudbiyay guddoomiyaha xisbiga.
Magacaabista xubintan guddiga doorashada ku mataleysa xisbiga Shaqaalaha ayaa muran badan dhalisay, waxaana gabadhan la sheegay in aysan da’deeda gaarin 40-sanno, sidoo kale aysan raali ka aheyn hoggaanka xisbiga shaqaalaha, balse uu wato guddoomiyaha golaha wakiiladda oo ay ehel yihiin.
Dhinaca kale qoraal kasoo baxay guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland ayaa looga hor-yimid goáanka kasoo baxay maxkamadda sare ee Puntland, waxa uuna guddoomiyaha sheegay in aan lasoo gaarsin cabasho laga qabo oo ku aadan xubinta magacaaban .
Qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland ayaa lagu shaaciyay in xubintan lagu soo xulay hab sax ah oo waafaqsan dastuurka, waxa uuna xusay in golaha wakiiladda oo gudanaya waajibkiisa ansixiyeen xubintan.
Halkan ka akhriso qoraalka guddoomiyaha golaha Wakiiladda Puntland