Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo fasaxaya 6 billion dollar uu horey u xayiray si shan muwaadin loogu daayo

Dawladda Maraykanka ayaa qaaday tallaabo jidka u xaadhaysa in la sii daayo shan muwaadin oo u dhashay dalka Maraykanka kuwaas oo ku xidhan dalka Iran.

Washington ayaa u ogolaatay in dalka Iran loo fasaxo lacag gaadhaysa illaa $6 billion oo dollar oo kaga xanniban dalka Koonfurta Kuuriyada, iyada oo lacagtaas loo wareejinayo dalka Qatar.

Lacagtan ayaa la xannibay ka dib markii uu Maraykanku ku soo rogay cunaqabatayn dhaqaale dalka Iran.

Sidoo kale waxaa heshiiskan qayb ka ah, in Maraykanku ay sii daayaan shan muwaadin oo u dhashay dalka Iran oo ku xidhan gudaha dalka Maraykanka.

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa toddobaadkii hore qalinka ku duugay, amarka lagu fasaxayo lacagtaas, bil ka dib markii masuuliyiin ka kala socota Maraykanka iyo Iran, ay mabda’iyan uga heshiiyeen arrintan.

Go’aanka lagu fasaxayo lacagtan, lalama socodsiin aqalka wakiillada ee Maraykanka, wixii ka horreeyey maalinimadii Isniinta, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Nuxurka heshiiska ayaa hore loo shaaciyey, sidoo kale waa la filan karayey inuu soo baxayo go’aanka la xidhiidha, in lacagtaas la fasaxo. Hase ahaatee waxaa markii ugu horraysay uu maamulku sheegay inay heshiiska ku jirto in la sii daayo shan Iraaniyiin ah. Lama magcaabin maxaabiista reer Iiraan.

Tallaabadan ayaa laga yaabaa in maamulka Biden uu kala kulmo dhaleecayn uga timaadda xisbiga Jamhuuriga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Beesha caalamka oo War cusub ka soo saartay arrimaha doorashada Somalia

Caydiid Ali

Deni iyo Qoor-qoor oo kulankoodii ugu horeeyey maanta ku yeelanaya Gaalkacyo

Caydiid Ali

Guddoomiye todobaad gudihiis loo magacaabay labo degmo oo xilka la wareegay (Sawirro

Caydiid Ali
Taboola Ads ---