Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday Deegaan dhawwaan laga qabsaday

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday deegaanka Ceel-lahelay ee kuyaalla duleedka Dhuusomareeb, halkaas oo dhawwaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka la wareegeen.

Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay in Al Shabaab kusoo tuureen deegaanka Ceel-lahelay, gaar ahaan farriisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, ciidanka huwanta ah ayaana dhankooda madaafiic iyo hub kale oo culus u riday dhinaca Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Ceel-lahelay ayaa sheegay in madaafiicda aysan ka dhalan wax khasaaro ah, waxa ayna sheegeen saraakiisha in madaafiicda ku dhaceen dhul bannaan.

Deegaanka Ceel-lahelay ee u dhaxeeya Dhuusomareeb iyo Ceelbuur ayaa dhawwaan waxaa la wareegay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana deegaankan shalay booqday madaxweynaha Galmudug, wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha hayádda NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo xil cusub u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig ciidan iyo Dagaal culus oo…

Cabdi Cade

Muxuu Xamse Barre kala hadlay Max’uud Sayid Aadan & Madaxda Gedo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---