Taliyaha xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo maanta kormeer iyo bogaadin ugu tagay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa amray in loo soo gudbiyo dhammaan liiska ciidankii shalay ka dagaalamay degmada Awdheegle si loo dalacsiiyo.
Taliyaha ayaa xusay in madaxweynaha Qaranka Xasan Sheekh Maxamuud uu salaan uga wado ciidanka geesiyaasha ah oo buu yiri shalay jabka culus u geystay Al-shabaab, waxaana uu xusay in askari walba oo hawlgalkaas guuleystay qayb ka ahaa la dalacsiiyey 2-darajo.
Jen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa sheegay in al-shabaab markii 3-aad ay ku jabeen isku day ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan amniga Awdheegle, taasina ay muujinayso adkaysiga iyo heeganka ay had iyo jeer ciidanku ugu jiraan difaaca dalka.
Sida ay sheegtay DF Al-Shabaab ayaa si xun loogu jebiyey weerarkaas, lagana dilay qiyaastii 100 dagaalyahan, hub fara badana laga furtay.