Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka SSC oo qorsheynaya sii deynta Maxabiista Somaliland qaarkood (Sababta)

Masuuliyiinta SSC ayaa la filayaa inay sii daayaan qaar ka mid ah maxaabiistii 25-kii bishii tagtay lagu qabtay dagaalkii ka dhacay saldhiga Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Allbanaadir Online u sheegay in dadka la sii daynayo ay yihiin ilaa 4 maxbuus oo ay ku jiraan 2 nin oo qaba dhaawacyo halis ah.

Dadka la sii deynayo Waxaa kale oo ka mid ah labo kale oo kala ah haweenay xaas u ahayd mid ka mid ah taliyayaasha ciidanka Somaliland iyo wiil yar oo 16-jir ah oo ciidanka la joogay.

Sidoo kale waxay u badan tahay in la sii daayo maxaabiista dhaawaca ah iyadoo loo eegayo xaalad bini’aadminnimo waxaana lagu wareejinayaa heyadda laanqayrta cas ee ICRC sida ay wararku sheegayaan.

SSC ayaa gacanta ku heysa maxaabiis ka tirsab ciidanka Somaliland oo oa badan 300 oo askari, kuwaasoo sii deyntooda ay ku xiran tahay sida labada dhinac ay heshiiska uga gaaraan khilaafka adag ee ka dhex aloosan.

Related posts

Kenya oo haweeney Soomaali u sharaxday tartan loogu jiro Xil sare oo caalami ah

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo garoonka Muqdisho Stadium ka mamnuucday in hub lala galo

Cabdi Cade

Dib u dhigista hawlaha Dekadda qalalan ee Muqdisho iyo Saameynta ay yeelan karto (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---