Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Galmudug oo War ka soo saartay Xildhibaano ku naf waayey qarax loo dhigay

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabadda, Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Golaha deegaanka Dhusamareeb oo saaka ay ka geeriyoodeen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Axmed (Maxamed yare) oo ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Abdullahi Ibrahim Shaaciye oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka Dhuusamarreeb.

Xildhibaanadan ayaa geeriyooday xili ay ka qeyb qaadanayeen howlgal Al-shabaab looga saaray deegaanka Ceelgaras.

Madaxweynaha ayaa Eebe uga baryay inuu xildhibaanada shahaadada u aqbalo, samir iyo iimaanna kasiiyo eheladii ay ka baxeen.

Qarax miino oo ka dhacay magaalada Ceelgaras ayey ku dhinteen labada xildhibaan, wax yar kaddib markii ciidamada dawladdu ay kala wareegeen Al-Shabaab. Qaraxa waxa kaloo ku dhintay qof la socday labada xildhibaan.

Ciidamada Dawladda iyo kuwa qabaa’ilka ayaa barqadii galay magaalada Ceelgaras oo qiyaastii 40km u jirta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, iyagoon wax iska caabin ah la kulmin.

Ceelgaras waa magaalo ku taala wadada u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, waxana muddo dhawr iyo toban sano ah gacanta ku hayay ururka Al-Shabaab.

Qabasashada ciidamada Dawladda iyo kuwa deegaanka ee Ceelgaras ayaa ka dhigan, tallaabo loogu sii dhawaanayo sidii markale gacanta loogu dhigi lahaa degmada Ceelbuur.

Related posts

R/W Kheyre oo si adag ula xisaabtamaya Wasiirada Xukuumadiisa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda oo fashiliyay qaraxyo kooxda Al Shabaab diyaariyeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay Masuul katirsan dowlada Kenya kadib weerar ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---