Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada Golaha shacabka BFS oo ka dooday Mooshin laga keenay xariga Jen Sheegow

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 25-aad ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka oo ahaa qeybinta iyo akhrinta  3-aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka Soomaaliya, soo jeedin mooshin ku taariikhaysan 29-08-2023 ee ku saabsan Gen. Sheegoow. Sidoo kale 16 Xildhibaan ayaa soo gudbiyay mooshin ku saabsan wax ka bedel sharciga akhrinta sadexaad maraya iyaga oo dalbaday in qodobo qaar wax ka bedel lagu sameeyo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa akhriyay mooshinka ku saabsan Jeneral Sheegoow, waxaana uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka faray in Ku-simaha Xoghayaha Guud uu ku wareejiyo Huddiga Amniga si ay baaritaan usoo sameeyan warbixintoodana Golaha kusoo celiyaan.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga kusoo daraan soo jeedinta xildhibaanada ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka Soomaaliya islamarkaana maalinta Arbacada la horkeeno fadhiga Golaha Shacabka.

 

Related posts

(Sawirro) Wiil uu dhalay Madaxweyne caan ah oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii..

Caydiid Ali

Agaasime Mahad Salaad oo kormeeray qeybo ka mid ah Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Banaan bax ka dhan ah Farmaajo goordhaw ka dhacay Xaafado katirsan Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---