Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay Wakaaladda Biyaha Jubaland oo ay hirgalisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
Munaasabadda daah-furka Wakaaladda Biyaha Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, xubno kamida Wasiirada iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada, Xildhibaano heer Federaal ah iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa daah-furka kadib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Wakaaladda, sida xafiisyada, qaybta sheybaarka iyo qeybta keydka Wakaaladda.
Madaxweynaha oo munaasabadda daah-furka ka hadlay ayaa sheegay in Wakaaladda maanta la daah-furay laga leeyahay sadex ujeedo oo kala ah sidii bulshada ay u heli lahayd biyo ku filan oo nadiif ah qiimaha lagu heli karana uu jaban yahay isla markana la gaarsiiyo dadka oo dhan
Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay dhamaan madaxda iyo howlwadeenada Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha oo uu sheegay in ay qabteen shaqo muuqata oo wax ku ool ah.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa dhagax dhigay dhismaha xafiisyada Wakaaladda Tamarta oo dhawaan la hirgalinayo.