Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Raisul Wasaaraha Somalia oo xariga ka jaray labo Mashruuc

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Hamza Abdi Barre iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam, ayaa si wadajir ah u daah furay maanta Mashaariicda Damal Caafimaad iyo COVID-19 Vaccination.

Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaanno Agaasimayaal, Xubna sare oo ka socday Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya, dhaqaatiir daneeyayaashada Caafimaadka Soomaaliya, xubno ka socdah Dowlad goboleedyada iyo bahada Caafimaadka.

Mashaariicdaan, ayaa loogu talagaley in loogu faa’iideeyo bulsho weynta Soomaaliyeed ee u baahi qabto inay helaan adeeg Caafimaad, waxaana labadan Mashruuc ay ka mid yihiin mashaariicda waaweyn ee sida aadka ah loo sugayey islamarkaana qeyb ka ah horumarinta Caafimaandka guud ee Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Waxaa ka go’an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Related posts

Duuliye is Somalia’s first Digital travel technology company

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabeelle oo loogu baaqay in uu Is casilo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamadii qaadistooda muranka ka taagnaa oo saakay laga qaaday Baladweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---