Qarax ayaa goor dhow la soo sheegayaa inuu ka dhacay deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaasoo maanta dagaal looga saaray kooxda Al-Shabaab oo muddo maamuleysay.
Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxa oo aha miino wadada asay ayaa qabsaday gaari ay la socdeen xildhibaano ka tirsan Galmudug oo halkaas marayey, dhimasho iyo dhaawac ayaana la soo werinayaa inuu geystay
Xildhibaan Maxamed Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaan Cabdullaahi Ibraahim oo isna kamid ah golaha deegaanka ee degmada Dhuusamareeb ayaa la sheegay iney ku naf waayeen qaraxaas.
Khasaare dhaawacyo ayaa sidoo kale la soo sheegayaa iney  soo gaareen ciidan ka tirsan ilaalada labada xildhibaan ee ku geeriyootay qaraxaas.
Maydadka labada xildhibaan ayaa la geeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka gobolka Galmudug ka dib markii ay ku baxeen ciidamo gurmad ah.