Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo ka carootay falal ay ku dhaqaaqday dowlada Iran, kuna hanjabtay..

Madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad ayaa Axaddii sheegay in Israel ay diyaar u tahay inay weerarto “bartamaha Tehran” si ay u daba-gasho kuwa uu sheegay inay ka dambeeyaan in ka badan 20 isku day oo Iran ay ku beegsatay danaha Israel iyo Yahuudda ee caalamka.

Israel ayaa Iran u aragta cadowgeeda ugu weyn, ayada oo xiganeysa baaqyada Iran ee ah burbirnta Israel iyo taageeradeeda dagaal-yahannada ku sugan meelo ku dhow xuduudda Israel.

Iran ayaa ku eedeysay Israel inay fulisay tiro weeraro dhimasho leh oo lagu qaaday saynisyahannada Nukliyeerka iyo goobo ku yaalla gudaha Iran, inkasta oo Israel aysan inta badan ka hadal howlgallada noocan ah.

Isaga oo ka hadlayey shir amni ayaa David Barnea waxa uu sheegay in Israel iyo xulufadeeda ay sannadkii tegay, 27 weerar ku fashiliyeen Yurub, Afrika, koonfur bari Asia iyo Koonfur America.

“Shirqoolada ay wadaan kooxahan waxaa soo agaasimay, hagayey oo ka dambeeyey Iran,” ayuu Barne u sheegay shirka Reichman University ee Tel Aviv.

Waxa uu intaas ku daray in Iran ay isku dayayso inay qaado weeraro dheeraad ah. “Farriinteenu waa mid qaylo dheer oo cad oo go’aan uu ku dheehan yahay,” ayuu yiri.

“Ha qaldamina, kuwiinna go’aansaday inay soo diraan kooxaha. Ogsoonaada inaan idin heli doonno, oo caddaaladda la fulin doono si ay u wada arkaan dhammaan. Tani hadda kahor waa laga dhabeeyey, mustaqbalkana, waxaanu kor ugu qaadi doonaa heerka xiga.”

Related posts

 Trump oo si adag uga hadlay Bayaankii Sacuudiga kasoo saareen dilka Jamal Khashoggi 

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo maanta si buuxda ula wareegeysa Ciidamada Imaaraatka u tababareen

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo dad fara badan Salaadii Ciida kula tukaday Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali