Dhaqaatiirta ka shaqaysa Magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug ayaa shaqa joojin ku dhawaaqay muddo saddex Maalmood, ka dib dilkii loo geystay shalay galab Allaha u naxariisto Dr. Zakariye Cabdi Jaamac oo maanta lagu aasay Magaalada Gaalkacyo.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Gaalkacyo ayey ku sheegeen ineysan shaqeyn doonin 3 maalmood marka laga reebo xaaladaha deg deg ah, iyagoo ku baaqay in la soo xoro raggii ka dambeeyey dilka dhaqtarka.
Alle ha u naxariistee waxaa shalay galab magaalada Gaalkacyo lagu dilay diktoor Zakariye Cabdi Jaamac oo ah diktoor da’ yar isla markaana ka shaqaynayey cusbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo.
Zakariye ayey ku dhex dileen Cusbitaalka uu ka shaqaynayey rag hubaysan oo la sheegay inay aano qabiil u dileen.
Muuqaal la iskula wadaagay baraha bulshada oo ay duubtay kaamirada CCTV ayaa muujisay rag hubaysan oo soo galay cusbitaalka isla markaana xabado kor u ridaya si ay u kala eryaan dadka kadibna mid ka mid ah ayaa u galaya halka uu dhakhtarku joogay kuna furaya xabado.
Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah kasoo saaray dilkii Allaha u naxariistee magaalada Galkacyo loogu geystay Dr Zakariye Cabdi Jaamac.
Ururka ayaa ku baaqay in caddaalad loo helo dilka dhakhtarka oo sida la sheegay loo dilay aano qabiil.
“Ururka Dhakhaatiirta Soomaliyeed wuxuu halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan Umada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda caafimaadka ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Dr. Zakaria Abdi Jama oo lagu dilay magaaladda Gaalkacyo “ ayaa lagu yiri Qoraalka ururka kasoo baxay.