Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo Magaalada Kismaayo ka daahfuray naqshad cusub (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay nashqadaynta guud ee magaalada Kismaayo oo muddo badan hirgalinteeda laga shaqeynayey.

Munaasabaddan waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowladda Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud,  xubno katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda, masuuliyiinta Hay’adda dhulka Jubaland, saraakiisha Ciidamada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ah.

Munaasabadan waxaa lagu sharraxay qaabka iyo nidaamka ay noqonayso Kismaayada cusub ee la rajeynayo in wixii hadda ka dambeeya la hirgaliyo taas oo u diyaarsan in ay ku noolaadaan dad gaaraya ilaa 5 Milyan iyo bar.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay hirgalinta Kismaayada cusub oo wax badan ma badalan tii hore isagoo Hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha dhulka Jubaland faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay shacabka uga dhimaan qiimaha lagu sharciyeeyo dhulka sidoo kale wuxuu faray in ay muhiim tahay in dadka qurbaha ku maqan ee reer Jubaland loo diyaariyo nidaam u sahlaya iibsashada dhulka iyaga oo aan wado dheer oo dhib badan aan u marin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay Dowladdu u leedahay  Kismaayada cusub loona dhameeystiro adeegyadii ay u baahneeyd magaalo si looga gudbo caqabadaha isku raranka ah ee ka jira magaalada.

Ciidamada qaybahooda kale duwan ayuu uga digay Madaxweynaha Jubaland ku milanka kiisaska dhulalka waxa uuna sheegay Madaxweynaha in talaabo waafaqsan sharciga la marsiin doono Ciidamada had iyo jeer ku dhaxjira arimaha dhulalka.

Garsoorka iyo Maxkamadaha ayuu Madaxweynahu faray in aysan gali karin dacwadaha dhul aan soo marin hay’adaha ku shaqada leh.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa ka hadlay xaaladda uu dalka ku jiro iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ka digay in la Siyaasadeeyo dagaalka dalka lagu xoraynayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa shacabka Jubaland iyo guud ahaan siyaasiyiintaba ugu baaqay in ay door muuqda ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, garab-istaagna loo muujiyo Madaxweynaha JFS ee hoggaaminaya howlgalka lagu ciribtirayo argagixisada.

Related posts

FBI oo fashilisay qorshe lagu lagu dili rabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka

Caydiid Ali

(Sawirro) Xildhibaanada Golaha shacabka BFS oo maanta dood kulul yeeshay

Caydiid Ali

Dowlad hakisay wada shaqeyntii ay la laheyd IGAD iyo hal arrin oo sabab u noqday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---