Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn lagu dhamaaday oo ka dhacday agagaarka Suuqa weyn ee Qouro

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay tobannaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo Axadda maanta ah ka dhacay xaafad ku taalla koonfurta caasimadda Suudaan ee Khartoum, sida ay sheegtay koox maxalli ah.

Guddiga wax iska caabinta oo ka mid ah kooxihii abaabuli jiray bannaanbaxyada dimuqraadiyad doonka ah haddana ka shaqeeya gargaarka xilliga dagaalka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in abaaro 7:15 subaxnimo ay diyaarado militari duqeeyeen agagaarka suuqa Qouro.

Wararka ayaa sheegaya in 40 qof ay dhinteen toboneeyo dhaawac ahna la gaarsiiyay isbitaalka Bashair, sida uu guddigu sheegay.

Isbitaalka ayaa dhanka kale soo saaray “baaq degdeg ah” oo ku socda dhammaan xirfadlayaasha caafimaadka ee magaalada in ay tagaan oo ay gacan ka geystaan daweynta “tirada sii kordheysa ee dadka dhaawaca ah ee imaanaya” halkaasi.

Tan iyo 15-kii April, Suudaan waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidanka qaranka iyo kuwa gurmadka degdegga ah ee RSF.

Ku dhawaad 7,500 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka socday mudada ku dhow shan bil, sida lagu sheegay qiyaas ay soo saartay hay’adda ACLED ee ka faalloota isku dhacyada hubaysan.

Related posts

Naadiga Ardayda Minxadda Waxbarasho Ee Hormuud Salaam Foundation oo la Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Xamse & Masuuliyiin kale oo la afuray bulshada degmada Kaxda

Caydiid Ali

Xukuumada Itoobiya oo qaaday talaabooyin ay uga hortageyso faafinta Banaan baxyada socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---