Allbanaadir.com
NEWS

DF oo Shaacisay tirada Dagaalyahannada Al Shabaab looga dilay Weerarkii Ow-dheegle

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kooxda Al Shabaab  khasaare xooggan loogu geystey weerar gaadmo ah oo ay saakay ku soo qaadeen degmada Aw-Dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamka lagu dilay 60-dagaalyahan oo katirsanaa Al Shabaabkii saakay weeraray degmada Aw-dheegle.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Al Shabaab looga qabsaday weerarka hub iyo saanad milatari , waxa ayna dowladda sheegtay in Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay weerarkii saakay ka dhacay Ow-dheegle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muslimkii ugu horeeyey oo ka mid noqonaya Aqalka senate-ka Mareykanka

Caydiid Ali

(Sawirro) Aadan Macalin Cali oo isku soo dhiibay ciidanka DF ee Xarardheere

Caydiid Ali

Puntland iyo Jubbaland oo War-saxaafadeed xasaasi ah ka soo saaray Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---