Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo Shaacisay in ay buuxisay biyo-xireenkii ay ka dhisayeen webiga Nile

Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay dhameystirtay buuxinta biyo-xireenka weyn ee ay ka dhistay Wabiga Niil, kaa oo horey muran weyn uga dhax abuuray dowladaha Itoobiya, Sudan iyo Masar.

Qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayuu maanta oo Axad ah ku shaaciyay in si guul ah dowlasiisa u dhameystirtay buuxinta biyo-xireenka ay ka dhiseen biyaha wabiga Niil.

Ra’isul Wasaare Abiy ayaa sheegay in caqabado badan kala soo kulmeen buuxinta biyo-xireenka wabiga Niil, waxa uuna xusay in ay soo mareen loolal adag oo gudaha iyo dibadda uga imaanayay oo ku qasbayay in ay ka laabtaan buuxinta biyo-xireenka.

“Farxad weyn ayay ii tahay in aan ku dhawaaqo in aan si guul ah ku dhamaystirnay buuxintii afraad ahna tii u dambaysay ee biyo-xireenka.Waxaa jiray caqabado badan, marar badan ayaa nalagu riixay in aan dib u laabanno. Waxaa na soo maray loolan gudaha ah iyo cadaadis dibadda ah,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Dhismaha biyo-xireenkan ayaa dowladda Itoobiya waxaa uga baxay lacag dhan  4.2 bilyan oo dollar, waxaana biyo-xireenkan cabsi badan ka qabay dowladaha Masar iyo Sudan oo ku tiirsan biyaha wabiga Niil ee mara waddamadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo gaadiidka Dab damiska iyo Ambalaasyo ku wareejiyay G/Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Xaaf oo mar kale shaaciyay in Dowlada Federaalka dagaal adag kula jirto maamulkiisa

Cabdi Cade

Jubbaland iyo Hirshabelle oo soo magacaabay Guddiga Farsamo ee Hanaanka Doorashooyinka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---