Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo la sheegay in ay gubeen tuulooyin dad Shacab ah ku noolaayeen

Dagaallamayaal katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in dab qabadsiiyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas ay ka barakaceen dadkii deganaa ee guryahooda la gubay.

Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy oo ka tirsan Golaha Shacabka kana soo jeeda beesha Gaaljecel ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab gubeen guryo badan ay degnaayeen dad shacab ah oon waxba galabsan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in kooxda Al Shabaab si arxan darro ah ula dhaqmeen dadkii deganaa tuulooyinka ay gubeen, waxa uuna xusay in xaalad adag hadda ku sugan yihiin dadka guryahooda la gubay lana barakiciyay.

“Musiibo weyn ayaa waxa ay ka dhacday tuulooyin hoostaga magaalada Leego illaa 10 tuulo ayay Al-Shabaab gubeen, dadkii deganaana waxa ay u gaysteen barakac, dhibaato iyo xadgub fara badan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Caanooy

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka uu matelo in ay hurdada ka kacaan oo hubka qaataan lana dagaalaan kooxda Al Shabaab, uu sheegay in aysan arxan laheyn, waxa uuna ku booriyay dadka in meeshii ay ku arkaan Al Shabaab ku dilaan.

Al Shabaab ayaa marar badan lagu eedeeyay in ay gubeen guryo dad shacab ah ay degnaayeen, sidoo kale gubeen ayna qarxiyeen ceelal biyoodyo dad shacab ah biyaha ka cabi jireen, taa oo muujineysa heerka ay gaartay cadaawada kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo gaashaanka u daruurtay eedaha ah in amnigii uu faraha ka baxay

admin

Safiirka Itoobiya oo dhambaal soo gaarsiiyay Guddoomiye Aadan Madoobe (Sawirro)

Cabdi Cade

Wariye Caan ah oo dilay Xaaskiisa kadib markii ay bixin weysay Gabaati (Daawo Sawirro)

admin
Taboola Ads ---