Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dhul-gariirkii ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Moroko, waxaana wali socda gurmadyo ay sameenayaan kooxaha gurmadka ee ku sugan deegaannada dhul-gariirka ku dhuftay.
Dadka ku dhintay dhul-gariirka ka dhacay dalka Maroko ayaa hadda kor u dhaafay 2,000 kun oo qof, halka tirada dhaawacyada iyana sii kordhayaan, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada kasii badatao inta hadda la ogyahay.
Wasaaradda Arimaha Gudaha Moroko war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in 1,400 oo qof ay qabaan dhaawacyo halis ah, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in ay socdaan gurmadyo caafimaad oo loo fidinayo dadkaasi halista ku jira.
Dhul-gariirka ku dhiftay dalka Moroko ayaa cabirkiisu ahaa 6.8 ayaa, waxa uuna ka dhacay deegaanno hoostaga magaalada Marrakesh iyo magaalooyin kale habeenimadii Jimcaha, dhibaatada ugu daran ayaana ka dhacday dhulka fog ee buuraleyda ah.