Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Macawuusley ah oo loo diyaariyay Dagaalka Al Shabaab iyo Madax booqatay (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo dardar-galinaya howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab ayaa booqasho kormeer ah ku tagay deegaannada Nuur-Dugle iyo Maxaa Saciid oo lagu diyaariyay boqolaal ciidamada dib u xoreynta deegaanka oo cadowga Al Shabaab ah ka xoreynaya deegaannada Hirshabeelle iyo bariga gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha oo kormeerkaan booqashada ah ay ku wehliyeen taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiiin, Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, Xildhibaano, qaarka mid ah gudoomiye-yaasha degmooyinka gobolka Banaadir, taliyaha guutada 3aad Qeybta 27aad ee CXDS taliyaha ciidanka booliiska Hirshabeelle iyo masuuliyiin kale ayaa ku bogaadiyay sida ay ugu soo diyaar garoobeen ciribtirka Al Shabaab.

Cali Guudlaawe oo Ciidanka dib u xoreynta kula hadlay deegaannada Nuur-dugle iyo Maxaa Saciid ayaa faray inay shacabkeenna ka xoreeyaan gumeystaha Al Shabaab ee u taagan baabi,inta dadkeenna, aragti dheerna ay u yeeshaan hagar daamooyinka cadowga.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in furimaha hore ay u joogaan dhiira-galinta ciidanka iyo ka warqabkooda, isagoo tilmaamay in maalmaha soo socda ay kusoo biiri doonaan ciidamo fara badan oo kala qeybgali doona dagaalka lagu ciribtirayo Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney markii ugu horeesay Madax ka noqotay Maxkamada ugu sareysa Itoobiya

Cabdi Cade

Gabar ay dhashay Ilhan Cumar oo Mareykanka lagu xiray iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Gudaha Villa Somalia – 72 saac iyo la jirka Madaxweyne Xasan Sheekh (Wareysi xiisa badan)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---