Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar culus oo ku bilowday qaraxyo baabuur loo adeegsaday ku qaaday saldhig ciidanka dowladda ku sugan yihiin oo kuyaalla degmada Owdheegle ee gobolka Sh/Hoose.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Al Shabaab baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay ku bilaabeen weerarka, waxaana qaraxyada laddib saldhigga weerar toos ah ku qaaday dagaalyahanno hubeysan oo katirsa Al Shabaab.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa xerada la weeraray ayaa dhankooda iska difaacay weerarka, waxaana Owdheegle lasoo sheegayaa in wali ka socdo iska hor imaad u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al Shabaab.
Qaraxyo ay adeegsanayaan Al Shabaab ayaa mararka qaarkood la maqlayaa, ciidamo gurmad ah oo taageeraya kuwa dowladda ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ay gaareen Owdheegle ayna qeyb ka yihiin dagaalka.
Khasaaro badan ayaa lasoo sheegayaa in uu jiro oo labada dhinac kala gaaray, waxa ayna saraakiisha ciidanka dowladda sheegeen in ay weerarka Al Shabaab fashiliyeen ayna ku gaarsiiyeen khasaaro badan.
Weerarada tooska ah ee ku bilowda qaraxyada ayaa Al Shabaab muddooyinkan dambe ka geysan gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Owdheegle, waxaana weerarkan imaanayaa xilli Al Shabaab cadaadis kala kulmeyso howlgalo ka bilaabanaya Galgaduud.