Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland: “Al-Shabaab uu horkacayo Fu’aad Shongole ayaa soo galay gobolka Sool”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland, ayaa sheegtay in xaalad walaac leh ay ka jirto magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo dhowaan dagaal looga soo saaray ciidamada Maamulkaas.

Qoraal ay soo saartay Wasaarada ayay ku sheegtay in ku dhawaad ​​600 oo falaago ah oo uu hogaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shangole) oo ah sarkaal caan ka ah al-Shabaab ay maalmihii la soo dhaafay gudaha u galeen gobolkaas.

“Xukuumadda Somaliland, ayaa walaac xooggan oo ay hore ugu muujisay beesha caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee nabad-gelyada ee mandaqadda, iyadoo dhacdooyinkani khatar ku yihiin jiritaanka bulshada iyo dalka. Kor u kaca dhaq-dhaqaaqa xagjirka ah kuma eka oo kaliya in uu saamayn ku yeesho ammaanka Laascaanood balse waxa ay sidoo kale awood u leedahay in ay ku soo qulqulaan gobollada deriska la ah, taas oo sii xumaynaysa xasiloonida deegaanka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka

Somaliland waxay sheegtay iney qaadeyso talaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo wax ay ugu yeertay xaaladan soo korortay.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa ciidamada ammaanka ayaa qaadaysa tallaabooyin degdeg ah oo wax lagaga qabanayo xaaladdan adag. Waxaa socda dadaallo lagu xoojinayo xog uruurinta, xoojinta amniga xuduudaha, iyo hagaajinta isku xirka hay’adaha amniga si looga hortago khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ujeedka Shangole uu yahay ah in maleeshiyaadka degaanka loo tababaro soo saarista walxaha qarxa iyo in Al-Shabaab looga sameeyo saldhig ay ku yeeshaan buuraha Ceerigaabo, Sanaag.

Maamulka Laascanood oo ka jawaabay arrintan ayaa sheegay in warkaas waxba kama jiraan u yahay, isagoo xusay iney tahay dacaayad raqiis ah oo Somaliand faafineyso

Related posts

Qoor Qoor oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed

Cabdi Cade

Maxaa Sababay in Ra’iisul Wasaare Khayre uu Summada Booliska Soomaaliya u haddiyeeyo Madasha Nabadda Paris?

admin

Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland oo is casilay iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade