Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Dowlada Somalia oo garab istaag u muujisay dowlada & shacabka Marooko

Dowlada Somalia ayaa taageero iyo garab istaag u muujisay dowlada iyo shacabka dalka Marooko ka dib dhulgariirkii weynaa ee ku dhuftay qeybo ka mid ah dalkaas kaasoo khasaare xoogan geystay.

“Waxaan la soconaa murugo iyo walaac aad u weyn oo ku saabsan saameynta ba’an ee dhulgariirka oo gaaray 7 darajo ee cabirka Richter, kaasoo ku dhuftay fiidnimadii Jimcaha gobollada iyo Al-Houz, Marrakesh, Werzazat, Azilal, Chishawa iyo Tarodant ee walaalaha Boqortooyadii Marooko kaasoo geystay tiro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, burbur hantiyeed oo aad u ba’an, dad badan oo la la’yahay, iyo xaalad argagax iyo cabsi soo food saartay dadka caadiga ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibeda ee dowlada Somalia ayaa lagu sheegay in Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ay murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaan dadka waxyeeladu soo gaartay.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Boqortooyada Marooko xilligan adag oo dalkaas uu ka dhacay dhul gariir xooggan oo khasaare geystay. Waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay deegaannadii ay dhibaatadu ka dhacday, iyadoo u rajaynaysa inuu Rabbi SWT naxariistiisa jannadiisa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna caafimaad degdeg ah siiyo” ayaa lagu soo gebagebeeyey War-saxaafadeedka.

Samatabbixiyeyaasha ayaa wada dedaalo lagu badbaadinayo dad ku hoos jira guryo ku dumay tuulooyinka fogfog ee dalka Marooko, ka dib dhulgariirkii ugu dhimashada badnaa ee dalkaas ka dhacay in ka badan lixdan sano.

Wasaaradda arrimaha gudaha Marooko ayaa sheegtay in 1,037 qof ay ku dhinteen illaa hadda dhulgariirka, 672 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana saacadba saacada ka dambeysa sii kordhaya dhimashada iyo dhaawacyada.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA OO AF CARABI KU QORAN.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor-qoor, Waare iyo Laftagareen oo Muqdisho soo gaaray & Wakiilada beesha caalamka oo..

Caydiid Ali

Shirkad yaab leh oo laga hirgeliyey waddanka Tunisia iyo shacabka oo ka qeyliyey

Caydiid Ali

Qaybtii Ugu Danbeesay:-Xal ma Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada Qore:- Mohamed Abdi Adan -Xoosh

admin