Ciidanka qalabka sida oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa ka hortagay dagaalyahano ka tirsan al-shabaab oo isku dayay inay weerar ku soo qaadaan degmada Berdaale ee gobolka Bay.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay iney weerarka hor heleen xog, ayna ka dib u suuragashay iney ka hortagaan.
“Ciidanka Xoogga oo ka warqabay damaca dhagarqabayaasha Khawaarijta ayaa halkaas ku dilay horjoogihii kooxda khawaarijta ee soo weeraray degmada iyo maleeshiyaad kale oo la socday” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa la oran jiray Cabdi Salaad sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka SONNA, isagoo Al-shabaab ugu magacownaa amiirka Jabahaadka.
Ciidanka xoogga dalka ma sheegin, kamana hadlin khasaaraha nafeed ee iska horimaadkaas ka soo gaaray, Al-shabaabna kama hadlin dhacdadan, loogamana baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah.