Dalku wuxuu galay dagaal midka ugu halista badan oo lagula dagaalamayo cadowga gudaha oo walaal uu walaalkiis dilayo, dagaalkaas oo salka ku haya xagjirnimo diimeed, waxaana ismaandhaafkaas diimeed wehlisa dagaaalo qarsoon oo xagjirnimo ugu tiirsan qabiil, siyaasad, loolan awood, daneysi maaliyadeed, dano shisheeye, iyo herdan sirdoon oo ay u dhexeeyso cadowtooyo sokeeye, kuwaas oo fidnadooda lagu gubto marka uu dalku galo dagaal uu jiritaankiisa ku badbaadinayo.
Waxaa jira cadowtooyo u dhaxeysa madaxda siyaasadeed, kuwo maamul dowladeed, kuwo saraakiisha ciidan, kuwo hogaanka dhaqanka, kuwo sirdoonka gudaha iyo dibedda, kuwo ganacsatada imaanka darran, iyo kuwo koox diimeedka ku xiran hogaamiye diimeedyo shisheeye, kuwaas oo dhamaantood kala qaba tabashooyin soo jirey mudo dheer oo uu ismaandhaafkoodu soo socdey, waxeyn salka ku wada hayaan awoodo la kala xooggey, gaboodfalo la isugu geystey awooda maamlo dowladeed, naceyb beeleed ragaadey, iyo tartanka daneysiga dibeda loogu wada jiro.
Wakhtiga ku haboon oo xasaradahaas ay dhimbilahoodu dambaska hoostiisa ku dhex nool yihiin ay kala kafaaro gutaan waa marka dalku uu si rasmiya u galo dagaal hal ujeedo leh, balse jileyaasha colaadahoodu gaamurtey oo dambaska ku hoos daboolan ayey taas u tahay fursad ay ciilkoodii, caradoodii, iyo cuqdadoodii ay ku kala aargutaan, iyadoo wax kasta oo dhaca lala xiriirinayo hadafka guud ee dagaalka loo galay, waxaana adag wax ka qabashada dagaalkaas aan muuqan oo haddana aysan inta badan u baraarugsaneyn.
Waxaan maqalnaa inta badan dagaal dhowr geesooda inuu ka dhex qarxo deegaanada ay ku dagaalamayaan ciidanka dowladda iyo kuwa xagjiriinta, kuwaas bulshooyinka ku nool goobaha dagaalka ay qabiil ahaan, koox diimeed ahaan, dhaqan ahaan, kalkaalin dano shisheeye ahaaan ay ula kala safan yihiin labada dhinac oo cidii adkaata kadib ay ku adkaaneyso xasilinta xasaradha ka dhashay dagaalka sida hoosa ay isugu hayaan kooxa isdiidan oo danahooda ku gaaraya kala taageerida labada dhinac oo dagaalamaya.
Waxaa jirta saraakiil ciidan oo loo soo tababartay teknolajiyada cusub sida hagista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska ama qalabka isgaarsiinta casriga ah oo madaxda keensatay ay meelahaas ugu soo xusheen heyb qabiil, kuwaas oo awood u leh marka ay haystaan qiil u saamaxaya iney ku bartilmaameystaan saraaakiisha ciidanka oo ay doonayaan iney dagaalka ku fashiliyaan, iyagoo u adeegsanaya dhagartooda aqooneed oo ku kaban tan shisheeyaha, waxeyna sidaas u sameynayaan iyagoo uga aargudanaya awood sheegasho ciidan oo ay horay u kala tabanayeen ama iney ka soo kala jeedaan laba ciidan oo dalal cadow isku ah ay soo kala tababarteen oo ciilqab cadowtooyo ay u dhaxeyso.
Waxaad arkeysaa marka loo kicitimo dagaal lala gelayo xagjiriinta iney dhacdo dagaal beeleedyo la isku hub aruursanayo, taas oo kalifta iney daciifiso hawlgalka ciidanka ama ay keento shaki kala dhexgala ciidanka oo ay saameeyso colaada beelaha kala dhex martay, sidaas awgeedna dadaal xagaldaacisa lagu bixiyo nabadeynta beelaha, taas oo xal u helid la’aanta ka dhalata tabashooyinkooda qarniyada soo jirey ay caqabad ku noqota duulaankii lagu galay dagaalka.
Waxaad arkeysaa siyaasiyiin aan khibrad dagaal lahayn oo abaanduulka ciidanka qeyb ka ah, kuwaas oo ay colaad kala dhexeyso siyaasiyiin ay ka soo wada jeedaan deegaanka cadowga laga xoreynayo, balse danahooda siyaaasadeed ugu jira dagaalka iyo iney dhagartooda ku majaxaabiyaan siyaasiyiinta ka soo horjeeda oo ay ka xigsanayaan masiirka dadkooda, iyagoo shax isku mida la ciyaaraya labada dhinac ee dagaaalamaya, islamarkaasna maslaxadooda gaar ahanayd ka dhex ilaalinaya guusha labada dhinac.
Waxaa kuu muuqanaya dagaalada u dhexeeya dowladda iyo xagjiriinta inuu u dhexeeyo hal dad oo ehel isku wada ah, sidaas daradeedna loo baahan yahay in la adeegsado xeelado ciidan oo yareyn kara in khasaare xooggan uu soo kala gaaaro labada dhinac, balse marka ay timaado adeegsiga macawisley qeyb ka ah dagaalka ayaa waxaa dhacda iney badato khasaaraha nafeed, waxeyna taas cabireysaa in maleeshiyaadku ay sidaas u sameynayaan aargoosi qabiil oo ay ku xeeleedeysanayaan qiil ugu helidda la dagaalanka argagixisada.
Waxaad arkeysaa marka madaxda ugu sareysa dowlada, dalka, iyo ciidanka ay isku soo urursadaan iney noqdaan hogamiyeyaal goobjoogeyaal u ah furimaha hore ee dagaalka, ayaa waxaa dhaceysa in loo dabamaro xaafiisyadii iyo xaruumihii ay ka yimaadeen oo halkaas ay ka aloosanto siyaasado aan la jaanqaadi karin dagaalka uu ku jiro dalka, taas oo qasbeysa inta badan in madaxda ay dib ugu soo noqdaan xaafisyadoodii oo dab ka dhex shidan yahay, taas oo ka dhigeysa joogitaankoodii furimaha mid suurad xumeyneysa oo ka dhigeysa mid ahayd igu sawir oo joogitaankooda gaaban uusan daacad ka hayn dhiirogelinta ciidanka.
Dalku wuxuu ku jiraa dagaal ka dhigeysa awoodiisa ciidan mid dhuubta oo aan hal dagaal keliya ku jirin, waana halis ay adag tahay inta lagu gudo jiro dagaal in dibuheshiisiin aan horay istratejiyadeeda loo qorsheyn in loo helo ismaandhaafyada isdiidan ee salka ku haya danaha shisheeye, aanooyinka qabiil, naceybka siyasadeed ee loolanka awooda gudaha, isqoonsiga koox diimeedyada, iyo isqabqabsiga u dhexeeya maamulada dowlad goboleedyada.
Waxaa halista ugu badan lagala kulmaa marka ay madaxda dowladu soo kala dhoweysato saraakiisha ciidanka oo midba midka kale la sugayo wakhtiga ku haboon oo uu tumaatida la helayo, siyaasiyiinta awooda deegaanka milkiyadeeda u wada tartamaya, wadaadada kuwo lala dagaalamayo iyo kuwa kula dagaalamaya oo aysan waxba isdoorin qadiyadoodu, adeegeyaasha danaha shisheeyaha oo ku wada mideysan maxmiyadooda inaad hoos timaadid, iyo hubeynta maleeshiyaadka is wada diidan oo mid kasta awoodiisa ciidan uu ku tijaabinayo midka kale ama uu kala horimanayo ciidanka dowladda oo ay aaminsan yihiin iney ka awood sareeyaan.
Dalku marka uu galo dagaalo ujeedooyin badan oo isku dhex duugan ayaa waxaa dhagarta fashilkooda ka badbaadiya abuurista hayado rayida oo loo curiyey ka hortaga xagaldaacinta ay keeni karto dagaaladaas sida hoose aayarta ugu socda oo qubulad qaraxday ku noqon karta hadafka guud in laga leexiyo dagaalka uu dalku ku jiro, waxeyna hayadahaaas rayidka ah ay kala barbar dagaalayaan hawlgalka ciidanka, iyagoo maslaxadeynta lagu xasilinayo ay tahay xalka lagu awoodtirayo xasaradahaas ku hoos duugan dagaalka lagu ciribtirayo xagjirka.
Hayadahaas ciidanka ugu qaabilsan xiriirinta rayidka ayaa waxey si dadban xasilooni ugu caburinayaan iney madaxa la soo kacaan cadowyada faraha badan ee sooyaal ahaan uga soo dhexjiray bulshooyinka Soomaaliyeed oo ay aafadooda salka ku hayso kala jecleysiga iyo kala necbeysiga ay ugu soo kala muteen dhaxlka ay ka heleen maamuladii ka soo jirey dowladihii dalka soo xukumay oo jiritaaankooda ku negaadiyey iska horkeenida bulshooyinka Soomaaliyeed.
Haddii aad moodey dagaalka ay dowladu dalka gelisey inuu yahay hal mid keliya, waxaa hubaal ah inaad si filan waaya aad ugu baraarugeysid dhowr geeseed oo ay furumo dagaal ka furmaan oo cadawga gudaha iyo kan dibeda ay ku wada mideysan yihiin hal u jeedo oo ah in naf, maal, iyo dadba ay dowladu ku soo weyso dagaalka oo dulucda loo hoobanayo ay gogol dhigeedu yahay in madaxda dalka iyo kuwa dowladda ay gacmo fara maran kala soo laabtaan dagaalka, iyadoo ay intaas u dheer tahay hogaankooda oo uu ku yimaado fashil siyaasadeed, maaliyadeed, ciidan, iyo mid bulsho oo dalka dib ugu celiya meeshii fogeyed oo laga keenay.
Rajada guusha dhamaadkeeda waxaa iska leh hogaamiyaha ciidankiisa ku dagaalgeliya istratejiyo ciidan oo u jiheysan hal jiho dagaal oo keliya, islamarkaasna la yimaada xeelado istratejiyadeed oo rayida oo uu u dejiyey ilaalinta iyo ka warqabka ineysan dhicin mowjado dagaal oo furimo dagaal cusuba ku fura dagaalka lagula jiro xagjirka, kuwaas oo salka ku haya ismaandhaafyo dano qabiil, siyaasadeed, maleeshiyaaad, iyo sirdoono shisheeye oo ka hoos kaca dagaalka guud.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com