Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Xamse Barre & wafdigiisa oo dalka ku soo laabtay & soo dhoweyntiisa oo..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay, ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay booqasho rasmi ah ku tageen dalka Qatar.

Mudane Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxaa kulamo kala duwan uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani, masuuliyiin kala duwan iyo ganacsatada dalka Qatar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kala hadlay madaxda dowladda Qatar sidii ay u ballaarin lahayd taageerada xagga amniga, mashaariicda horumarinta iyo maalgashi ay ganacsatada Qatar ku sameystaan dalkeena, qodobaasi oo dhammaantood labada dowladood isku afgarteen.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

Wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ku sugnaa garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle ayaa saf dheer u galay soo dhoweynta Raisul Wasaaraha iyo wafdigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Wasiirka amniga Soomaaliya kala hadlay dhigiisa Bratislav Gašić (Sawirro)

Caydiid Ali

10 ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Caydiid Ali

Puntland oo si adag u beenisay war been abuur ah oo la faafiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---