Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad ammartay in lasoo xiro afar xubnood oo katirsan Golaha Deegaanka Caabudwaaq

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ka taagnaa khilaaf ka dhashay xil ka qaadis ay xubno katirsan golaha deegaanka ku sameeyeen guddoomiyihii degmada Caabudwaaq iyo kuxigeenkiisa.

Khilaafka ka taagan degmada Caabudwaaq ayaa sidoo kale sababtay in ay isku dhacaan ayna soo daaraan qoraalo iska soo horjeeda madaxweynaha maamulka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo kuxigeenkiisa Cali Ciid.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa lagu amray in lasoo xiro afar xubnood oo katirsan golaha deegaanka degmada Caabudwaaq, kuwaa oo hormuud u ahaa xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii degmada.

Maxkamadda ayaana ammar soo qabasho ah u jartay afarta nin ee katirsan golaha deegaanka Caabudwaaq, kuwaa oo lagu eedeeyay sharciga dowladda hoose ee degmada Caabudwaaq iyo kan maamulka Galmudug.

Halkan ka akhriso qoraalka maxkamadda kasoo baxay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Uganda oo beenisay War laga faafiyay Madaxweyne Yoweri Museveni

Cabdi Cade

Muxuu yahay qalabka Jaban ugu deeqday Booliska DF? (Sawirro)

Caydiid Ali

DE DEG: Agaasimihii Hey’adda Socdaalka oo xilka laga qaaday & Mid cusub oo la magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---