Allbanaadir.com
NEWS

Khasaaraha ka dhashay Dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Morocco oo sii korortay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dhul-gariir xalay ku dhuftay dalka Morocco, waxaana wali socda gurmadyo loo sameenayo dadka waxyeelada xooggan kasoo gaartay dhul-gariirka.

Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirka ayaa hadda gaartay 820-qof, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 600-qof oo kale, waxaana wali laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hadda la ogyahay kasii bataan.

Dhul-gariirka ka dhacay dalka Morocco oo cabirkiisu ahaa 7.2 ayaa xalay ku dhuftay buuraha Atlas ee dalka Morocco, waxaana khasaaraha ugu xooggan uu gaaray dadka kunool dhulka buuraleyda , waxaana adag in gurmad lala gaaro aagaasi.

Warbaahinta Morocco ayaa tabisay in dhul-gariirka waxyeelo u geystay dhismayaal ku yaalla magaalada Marrakech, oo ah tan ugu weyn ee ugu dhow halka uu sida daran ugu dhuftay, waxaana dadka ku nool ay xalay ku hoyden bannaanka guryahooda .

Dowladda Morocco ayaa ugu baaqday in dadka isdejiyaan una duceeyaan dhibanayaasha, waxa ayna dowladda sheegtay in ay socdaan gurmadyo lixaad leh oo lala gaarayo deegaannada dhibka ugu daran uu gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada DF oo Duullaan ku ah labo deegaan iyo Shacabka oo loogu baaqay in ay ka baxaan

Cabdi Cade

(Sawirro) Dad fara badan oo ku le’day Magaalada Nawabshah ka dib markii..

Caydiid Ali

Natiijo hordhac ah oo ka soo baxaysa doorashada hogaanka dalka Jarmalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---