Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo laga maqlay magaalada Copenhagen iyo booliiska oo howlgalo wada

Wararka ka imaanaya dalka Denmark ayaa sheegaya in caasimadda dalkaasi ee Copenhagen laga maqlay qaraxyo, waxaana qaraxyada kaddib booliiska bilaabeen howlgalo iyo baaritaanno amni.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa baahiyay in dhawaqa qaraxyo laga maqlay magaalada Copenhagen, waxa ayna warbaahinta sheegeen in booliiska xireen aaga laga maqlay jugta qaraxyada.

Sargaal katirsan booliiska Denmark oo lagu magacaabo Espen Godixen  ayaa sheegay in ciidamada booliiska xireen deegaanka la sheegay in laga maqlay qaraxyada, waxa uuna xusay sargaalkan in la baarayo jugta qaraxyada iyo waxa ay ahaayeen.

Wali lama tabin nuuca qaraxyadan la maqlay ahaayeen, mana jiro sidoo kale khasaaro ilaa hadda tabiyeen booliiska ka howlgala magaalada Copenhagen, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in dib ka faah faahin doonaan qaraxyada dhacay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Uhuru Kenyatta: “Somalia Kalluun ha noo soo dhoofiso, anaguna Qaad baan u dhoofineynaa”

Caydiid Ali

Britain oo shaacisay iney muwaadiniinteeda kala baxday dalka Sudan

Caydiid Ali

Milateriga qabsaday xukunka dalka Gabon oo Magacaabay hogaamiye KMG ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---