Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Doha kula kulmay Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar, kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababar uga soconayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Xamsa Barre ayaa Dowladda Qatar uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalkaasi , kuwaa uu kala hadlay arrimo badan oo khuseeya xaalada dalka iyo sidii Qatar dowladda uga taageeri laheyd dhinacyo kala duwan.

Related posts

Heshiiskii guddiga farsamada Shirkii Baydhabo ee doorashada oo la soo bandhigay

Caydiid Ali

Cabdi Weli Muudey oo soo saaray Amar ku socda Xildhibaanada Baarlamaanka (Akhriso)

Cabdi Cade

Dagaal xooggan oo ka socda magaalooyin kuyaalla Itoobiya iyo garoomo diyaaradeed oo …

Cabdi Cade