Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey booqashada RW Xamza ku joogo Magaalada Doha (Sawirro)

Wafdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maalintii 3aad booqanaya magaalada Doha ayaa kulamo la qaadanaya masuuliyiin ka tirsan dowlada Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Madaxa Hey’adda Maalgashiga Qatar, Mansoor Bin Ebrahim Al-Mahmoud.

Waxay ka wada hadleen fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya iyo sidii loo maalgashan lahaa, waxayna labada dhinac isku aragti ka noqdeen in laga wada faa’iideysto fursadahaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la filayo isaga iyo wafdigiisa iney saacadaha soo socda ku soo laabtaan dalka ayaa mudadii ay joogeen magaalada Doha waxay kulamo la qaateen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowlada Qatar.

Related posts

Puntland oo War ka soo saartay Nabadoon lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali

Qarax lagu dhaawacay Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo Masuuliyiin kale

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo dalacsiiyey ciidanka Birjeex (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---