Allbanaadir.com
NEWS

Heshiisyo is-afgarad oo Soomaaliya la gashay Turkiga iyo Itoobiya oo la ansixiyay

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shirka golaha Wasiiradda, kaasi oo laaga hadlay xaaladaha amni ee dalka, iyada oo la ansixiyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay Ethopia iyo Turkiga.

Heshiisyada goluhu ansixiyey ee ay galeen ayaa ku saabsan dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare.

Sido kale golaha ayaa ansixiyey soo jeedintii Wasaaradda Maaliyadda ee habraaca maamulka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee bixinta qandaraasyadda dowladda.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha is daba jooga ah ee ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka ee cadowga lagu baacsanayo, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dabargoynta kooxda Khawaarijta ah in loo midoobo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo tababar u xiray ciidamo loo wado dagaalka Laascaanood (Sawirro)

Caydiid Ali

Magaalo lacag abaal-marin ah siineysa qofkii soo sheega xogta qof tuugsanaya !

Cabdi Cade

Meydka wiil Soomaali ah oo laga helay xabsi ku yaalla Germany & baaritaan socda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---