Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh oo lala wadaagay qorsheyaal muddo kooban Al Shabaab dalka looga sifeynayo (Sawirro)

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hoggaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga ciribtirayo khawaarijta Al Shabaab.

Hoggaannada taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Al Shabaab dalka looga sifeynayo, iyaga oo adkeeyay sida naf-hurnimada iyo geesinimada leh ee ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si looga guuleysto argagixisada dhibka ku haysa dadka iyo dalka.

Kualnka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada :Sida Quruxda badan ee loogu ciiday Deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho

Cabdi Cade

Burcad-baddeed iyo Badmaaxiinta Afduuban oo wada cunteeya iyo Sahayda oo gabaabsi ah

Cabdi Cade

Gudoomiye degmo oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyey (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---