Allbanaadir.com
NEWS

Nin Taageere u ahaa kooxda Manchester United oo Toorey ku dilay Taageere Arsenal

Axadii lasoo dhaafay ciyaar xiiso badneyd oo katirsaneyd horyaalka Premier League ayaa kooxda Arsenal guul darro xanuun badan dhabarka u saarisay kooxda Manchester United oo marti ugu aheyd garoonkeeda.

Ciyaarta oo natiijadeeda la dilay waqtigii dhammaadka ayey aad uga naxeen taageerayaasha kooxda Manchester, waxaana ugu sii darnaa gool qurux badan oo daqiiqadihii ugu dambeeyay laga dhaliyay oo keenay in kooxda lagu maadeesto.

Dalka Uganda ayaana ciyaarta marka ay dhammaatay kaddib laga soo wariyay dhacdo dad badan ka naxeen, kaddib markii taageere kooxda Manchester ahaa uu toorey ku dilay taageere kale oo kooxda Arsenal ah.

Ciidamada booliska dalka Uganda ayaa baadi goobaya ninka taageeraha u ah kooxda kubadda cagta ee Manchester United oo lagu eedeeyay inuu mindi ku dilay nin kale oo taageersanaa kooxda ka badisay ee Arsenal.

Muran ka dhashay natiijada ciyaarta oo dhax martay labada taageere oo ku sugnaa goob ciyaaraha laga daawado ayaa keentay in la dilo taageerihii kooxda Arsenal oo magaciisa lagu sheegay Jackson Aineruhanga.

Ma ahan markii ugu horeysay ay Afrika isku dilaan taageerayaasha kooxaha ka ciyaara caalamka, gaar ahaan horyaalka Ingiriiska, waxaana marar badan sidan oo kale isku dilay taageerayaal natiijada ciyaarta ku murmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Qoor-qoor oo la siiyey shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Galmudug

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo safar ka duwan kuwii hore ku tagay Cadalle iyo Abaabul Dagaal oo socda (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo amray in la bilaabo Dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade