Hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada Difaaca Shacabka ayaa lagu dilay saddex horjooge oo katirsanaa dagaallamayaasha kooxda Al Shabaab.
Hawlgalka oo xalay ka dhacay Galbeedka Ceel-La Helay waxaa lagu dilay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha Al Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ahaa labo sargaal kale oo katirsanaa Al Shabaab.
“Hawlgalka oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyay loona fuliyay waxa uu dhabarka ka jabiyay guud ahaan kooxda Al Shabaab gaar ahaan kuwa ku dhuumaalaysanaya Galmudug ” Ayaa lagu yiri qoraal dowladda Soomaaliya kasoo baxay.