Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ay ku dhinteen Hooyo iyo carruurteeda oo ka dhacay Deegaan Al Shabaab shalay laga saaray

Qarax xooggan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay guri kuyaalla duleedka deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, halkaas oo shalay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kala wareegeen Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay qarax miino ayaa ka dhacay guri ay degnaayeen qoys kunoolaa duleedka Ceel-lahelay, waxaana halkaasi khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray qoyskii gurigaasi deganaa.

Inta la xaqiijiyay hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay qaraxa , halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale, ciidanka dowladda oo u gurmaday qoyskan ayaa soo qaaday labada qof ee qaraxa ku dhaawacmay.

Deegaannada Al Shabaab laga saaro ayaa loogu tagaa qaraxyo miino oo waddooyinka qaar la galiyay iyo kuwa guryo lagu qariyay, waxa ayna qaraxyadaasi mararka qaar waxyeelo kasoo gaaraan dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano gaaray Teendhada Afisiyooni iyo Ciidamo jidadka ka celinaya Xildhibaanada qaar

Cabdi Cade

Kulan Muqdisho ugu soo gebageboobay Madaxdii hore ee dalka (Maxaa ka soo baxay)

Caydiid Ali

Heyadda Amnesty oo eedeymo adag u jeedisay Maamulka Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---