Allbanaadir.com
NEWS

Askari loo haysto kiis argagixiso ah oo ka baxsaday xabsi ku yaala London iyo baadigoob socda

Ciidamada booliiska dalka Ingiriiska ayaa wada howlgalo ay ku baadigoobayaan askari loo heestay falal argagaxiso, kaa oo Arbacadii shalay ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa oo kuyaalla magaalada London.

Daniel Abed Khalife oo ah 21-sanno jir horey uga tirsanaa ciidamada Ingiriiska ayaa ka baxsaday xabsiga HMP Wandsworth, waxaana ninkan loo heystaa falal argagaxiso kuna sugayay xabsiga in la maxkamadeeyo.

Baadigoobka ay ciidamada booliiska ugu jiraan soo qabsahada ninkan ayaa galay maalintii labaad, waxa ayna booliiska adkeeyeen baaritaannada dekadaha iyo garoomada laga dhoofo, waxaana halkaasi la geeyay sawirrada maxbuuskan baxsadka ah.

Wiilkan 21-sanno jirka, oo laga soo saaray ciidanka bishii Maajo, ayaa la rumeysan yahay inuu ka soo baxsaday xabsiga HMP Wandsworth abbaare 7.50 subaxnimo Arbacadii, isagoo ka soo dhuuntay jikada xabsiga kaddibna qabsaday gaari xamuul ah oo jidka socday.

Booliiska ayaa sheegay in askarigan baxsadka ah markii ugu dambeysay ee la arkay uu xirnaa dharka kushiinka cunto karinta, waxa ayna booliiska ka codsadeen dadweynaha in ay xog soo siiyaan haddii ay arkaan maxbuuska baxsadka ah.

Daniel Abed Khalife ayaa ku jiray xabsiga uu ku sugayay maxkamad la xiriirta  argagixisanimada iyo dembiyada sharciga sirta rasmiga ah, oo ay ku jiraan in uu sameeyay been abuur  iyo isku day in ay soo saaro macluumaad waxtar u leh argagixisada.

Wasaaradda Cadaaladda UK ayaa hadda baaraysa sababta qof lagu soo eedeeyay dambiyo culus aan loo gelin xabsi amnigiisa sareeyo, iyadoo khubaradu ay aad uga caRroodeen sababta Khalife aan loogu arkin inuu halis badan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada Galmudug oo amar cusub laga soo saaray &faah faahin ku saabsan Ciidankii saakay la geeyay Dhuusomareeb !!

admin

Tirada dadka shacabka ah ee ku dhintay dagaalka ka socda Sudan oo la Shaaciyay

Cabdi Cade

Nin hubeesan oo doonayay in uu dil ka geesto Muqdisho oo isaga la dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---