Waxaa sii xoogeysanaya khilaaf culus oo soo kala dhex galay Madaxweyne Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, kuwaasoo caawa soo saaray warqado kala duwan oo isburinaya.
Muranka cusub ayaa bilowday markii Warqad ka soo baxday Madaxweyne kuxigeenka Galmudug shaqada looga joojiyay wasiirka arimaha gudaha Galmudug ka dib markii lagu edeeyay in uu xagal daaciyay dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.
Wax yar ka dib bogga rasmiga ah ee aqalka madaxtooyada Galmudug ku leeyihiin Faceboog ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye waxaa uu ku soo daabacay qoraal waxba kama jiraan ka soo qaaday warqadan ka soo baxday xafiiska madaxweyne kuxigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in arrintan ay ka soo horjeedo dastuurka Galmudug, sidoo kalena ay baal marsantahay awoodaha dastuurka Galmudug siinayo madaxweyne ku-xigeenka
“Mudane Axmed ayaa faraya laamaha amniga in wajibkooda ka gutaan cida kasto oo wax u dhimi karta amniga iyo xasiloonida degmada Cabudwaaq” ayaa lagu yiri bayaanka.
Hase ahaatee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo war cusub soo saaray caawa saqdii dhexe ayaa sharci daro ku timaamay qoraalka ka soo baxay Qoorqoor ee lagu diidanaa xilka ka qaadista Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug
“Warqada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor waxay baalmar santahay Dastuurka Galmudug Shaqo ka joojinta Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Galmudug na wa dhaqangal. Sido kale Xilkaqadistii Golaha Deeganka Caabudwaaq ay ku sameyeen Gudomiyihii hore iyo kuxigeenkisa ayadan wa dhaqangal waxana Gudiga Doorashada faraya in Doorasho Xor iyo Xalaal ah la qabto” ayaa lagu yiri qoraalka Cali Daahir Ciid.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa amar ku siiyey laamaha amaanka Galmudug iyo heyadaha kale ineysan la macaamili karin Wasiirki uu Shaqada ka joojiyay.
“Waxaan faraya Hay,adaha kala duwan ee la shaqeeya Wasaarada Arimaha gudaha Galmudug in aysan la macaamilin Wasiirki hore ee Shaqada laga joojiyay hay,adi la macaamishana in Tilaabo Sharci ah laga qaadi doono”ayaa lagu yiri qoraalka Cali Ciid oo sidoo kale lagu faray laamaha Amniga waxaa la faraya in aysan ku milmin Siyaasada murugsan ee Galmudug hada ka jirta.