Ruushka ayaa Arbacadii maanta ka geystay Ukraine duqeyn lagu dilay ugu yaraan 17 qof.
Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa cambaareeyay weerarka, oo ay saraakiishu sheegeen in lagu duqeeyey suuq dadku ku badan yihiin oo ku yaalla magaalada Kostiantynivka, oo u dhow goobta dagaalka.
Waxa uu sheegay in ilmo uu ka mid yahay dadka dhintay, waxaana saraakiisha ay sheegeen in ugu yaraan 32 qof ay ku dhaawacmeen.
“Shaydaanka Ruushka waa in sida ugu dhaqsaha badan loo jabiyo,” ayuu yiri Zelenskiy, isaga oo ku tilmaamay weerar ula kac ah oo lagu qaaday magaalada nabad ah. Kaaliyeyaasha ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya qarax ka dib wax u eg gantaal oo ku soo socda, iyo dadka oo u ordaya inay gabbadaan.
Ruushka ayaan si degdeg ah uga hadlin weerarka, wuxuuna beeniyay inuu si ula kac ah u beegsaday dad rayid ah.