Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo soo bandhigtay askari Ugandhays oo dalab culus u diray dowladiisa

Askari ka tirsan ciidanka Ugandha ee ka tirsan howlgalka ATMIS ayaa ka soo muuqday Video ay sii deysay Al-shabaab, kaasoo ka mid ah maxaabiis ay gacanta ku heyso kooxdaas

Waxaa uu ka codsaday Madaxweynaha Uganda iyo guud ahaan madaxda dalkiisa in Al-shabaab lagala xaajoodo sii deyntiisa.

Al-shabaab ayaa askarigan ku qabatay weerarkii bishii May ee sanadkan ka dhacay magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellada hoose. kaasoo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay ciidanka ATMIS.

Sergeant M. William, oo 48 jir ah, ayaa ciidamada Uganda ku soo biiray sanadkii 1997. Bishii Abril ee sanadkan 2023 ayuu ka howlgalay xerada ciidanka ee kutaala Buulo Mareer, ka hor inta aan 26-kii May maxbuus ahaan uusan ugu gacan gelin Al-shabaab

“Farriintayda ku socota Dowladda Uganda, madaxweynaha iyo baarlamaanka. Waxaan idiin caddeynayaa in aan noolahay. Waxaan idinka codsanaynaa inaad maanka ku haysaan inaan nahay maxaabiis, idinkuna aad tihiin rajada kaliya aan sugayno taasoo ku saabsan sidii aan xabsiga uga bixi lahayn” ayuu yiri askarigan.

Waxaa uu ka codsaday dowladda Uganda inay raadiso xal kaste oo lagu siin dayn karo. isagoo sheegay in kaligiis inuusan ahayn maxbuus, balse ay jiraan maxaabiis oo ka tirsan ciidanka Uganda oo gacanta ugu jira Al-shabaab.

Dowlada Ugandha oo kumanaan askari ay ka joogaan Somalia ayaan looga baran iney maxaabiista laga qabsado kala xaajooto Al-Shabaab oo horey u dilay askar maxaabiis aheyd oo ka qeyb ka ahaa ciidanka midowga Afrika.

Related posts

Dagaal khasaare geystay oo saaka ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Puntland oo baaq ku aadan maamulka Khaatumo u dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Rosemary DiCarlo oo Muqdisho timid warbixina laga siiyay Shirkii Golaha Wadatashiga ee…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---