Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne caan ah oo shacabkiisa ugu baaqay iney hoos u dhigaan dhalmada

Madaxweynaha Masar Abdul Fattah Al-sisi ayaa shacabkiisa ugu baaqay iney hoos u dhigaan heerka dhalmada.

Al-Sisi ayaa intaas ku daray in Masar ay ku qasban tahay inay hoos u dhigto carruurta dhalaneyso oo ay ka dhigto 400,000 sanadkiiba, halka hadda ay tahay in ka badan laba milyan si buu yiri waddanku fursad ugu helo abuurida shaqooyin iyo adeegyo kale.

Waxaa uu khalad ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Wasiirka Caafimaadka dalkaasi Khaalid Cabdel Ghaffar oo ku saabsanaa in arrinta dhalista carruurta ay ay shacabku xor u yihiin.

Madaxweynaha Masar wuxuu sheegay in dadka oo xorriyad loo siiyaa arrintaan ay abuuri karto dhibaato, isagoo xusay in Masar ay ku dayan karto siyaasadda Shiinaha ee hal cunug, maadaama Shiinuhu “ku guuleystey siyaasaddooda xakamaynta dadweynaha ee dhinaca taranka.

Masar oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan Afrika waxay tirada shacabkiisu kordheen 40 milyan oo qof, waxayna gaareen 105 milyan oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo War ka soo saartay dagaalka ka socda Garowe

Caydiid Ali

Khilaaf soo kala dhex galay Laftagareen & Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo

Caydiid Ali

Wasiir iyo Agaasime Guud oo Dagaalamay oo Shaqo joojin lagu sameeyay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---