Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda iyo kuwa Deegaanka oo Al Shabaab kala wareegay dhowr deegaan

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo is garabsanaya ayaa kooxda Al Shabaab maanta kala wareegay deegaanno dhowr ah oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Ceelbuur.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka huwanta ah ayaa cagta mariyay fariisimo ay Al Shabaab ku lahaayeen deegaanno dhaca duleedka Dhuusomareeb kuna wajahan dhinaca degmada Ceelbuur.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la xaqiijiyay in ay la wareegeen deegaannada Ceel-lahelay, laba -dulle,dhaban-dhul kuhays iyo dhul kale oo howd ah ay ku sugnaayeen Al Shabaab.

Howlgalkan ay ciidanka huwanta ah kula wareegeen deegaannada ay joogeen Al Shabaab ayaa imaanaya xilli uu socdo abaabul xooggan oo lagu doonayo in mar kale lagu duulo bariga Galgaduud lagan saaro Al Shabaab degmooyinka iyo deegaannada ay ka joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Arrimo badan oo Muhiim ah kala hadlay Axmed Al-qeyd

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo qaabilay Orodyahan Guul taariikhi ah u soo hoyay Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Diyaarad ay leeyihiin milateriga Turkiga oo lasoo riday iyo Erdogan oo Hanjabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---