Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh oo u kuurgalaya Xaalada ciidankii soo banneeyay furumaha dagaalka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka baadan bil ku howlan abaabulka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga sifeynayo nabad-diidka Al-shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

Degmada Aadan Yabaal waxaa ku sugan inta badan ciidankii kasoo baxay deegaanno iyo degmooyin kuyaalla Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud, madaxweynaha ayaana u kuurgali doona xaalada ciidankan una diyaarin doona in mar kale duullaan qaadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay degmada Aadan-yabaal, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Donald Trump oo doqon waalan ku tilmaamay Sir Kim Darroch

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay in gacan aamin ah ku jiro Dastuurka baaqna u diray Mucaaradka

Cabdi Cade

Shirweyne ka socday Muqdisho oo Caawa lasoo gunnaanaday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---