Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada oo War kasoo saartay kulankii Dhax maray Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Xawaadle (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Madaxweynaha oo bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Khawaarijta ayaa tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.

Dhankooda, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Khawaarijta, iyaga oo ballan qaaday in ay qaadandoonaan doorkooda halganka dalka lagu xoreynayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa degmada Maxaas kawada kulamo siyaasadeed iyo abaabul dagaal, waxa uuna taageero u raadinayaa howlgalka ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka doonayaan in Al Shabaab kusoo afjaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarunta NIRA ee Laascaanood oo maanta xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Mucaarad ah oo lumiyay kamid ahaanshaha Golaha Shacabka kaddib ..

Cabdi Cade

Meydadka Ido la gowracay oo saakay lagu arkay xaafad katirsan Muqdisho (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---